Waa maxay Guusha?
Guushu Waa Helida dhamaan Waxaad Ka Doonayso Nolosha Amase
Fulinta Qorshihii Aad Hore U Dajisatay, Islamar Ahaantaana Guushu Waa Adoo Kaca
Aroortii Adoo Dareemaya Farxad Oon Aan Dareemayn Cidhiidhi Iyo Diiqad.
Guusha Waa Wax La Is Barbar Dhigi Karo (Relative) Qof Walba
Siduu U Dareemo Ayuu U Arkaa Macnaha Guusha Amase Haddaan Sikale Kuugu Dhigo
Guusha Way Macno Badantahay Mana Lahan Qeexitaan U Gooni Ah Oo La Isku Raacay.
Waxaan Shaki Kujirin Inaan La Isku Raacsaneen Waxa Guul Loo
Yaqaano Balse Adiga Iskuday Inaad Ka Jawaabto Su’aashaan:
Maxaad Guul U Taqaanaa Maxaase Ku Cabirtaa Guusha?
Waxaa Jirta Su’aal Aheed Waa Maxay Guusha?
Oo La Weydiiyey Aqristayaasha Wargeyska “The Dreamer’s Guide Motivation Newsletter”
Bal Aan Kusoo Gudbiyo Jawaabaha Ay Kasoo Kala Bixiyeen:
Isaac Alex Phiri: “Aniga ma sheegi karo macnaha
dhabta ah ee guusha lakiin waxaan kusoo koobi lahaa hab fudud oo ah:
1. Inaad gaarto barta
riyadaada kuu tilmaamayso
2. Markaad hesho waxa
aad u baahantahay
3. Markaad ka talaabsato daruufaha iyo caqabadaha nolosha
Aniga guusha waxaan ku cabiri lahaa farxada
farxadaas oo ka
imaanaysa markii aan aragno dadka aan jecelnahay oo faraxsan masii jirayso
farxada haddii anaga oo kalliya aan faraxsanahay.
Janett Kalale: Guusha macnaheedu waa inaad gaarto
natiijada ugu sareyso ugunna macquulsan.” Mary
Masum buko: Guusha “Guusha waa inaad isku dhiibto Allah: Waa bixiyaha
nabadda dhabta ah ee addanuhu raadiyo. Guusha waa xakameenta noloshaada, Inaad
qaabbayso qorshaha noloshaada oo aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari laheed]…Taas
ayaan guul u arkaa.
Suurta gal waaye inaad nolosha ku guulaysato adigoo aadan
hanti badan tacbanin. Sikastaba, Waxaan layaabbay waxa adiga guul kuu ah dadka
kale guul umma ahan! Haddaba, Bal aan isla eegno waxa ay ka yiraahdeen iyo
qeexitaanada ay ka kala bixiyeen aqoonyahanada guusha odorosta iyo Qaamusyada
kala duwan.
1. Jim Rohn:
“Guusha waa inaad samayso shey iska caadi ah adigoo u samaynaayo hab aan caadi
aheen.”
2. Humphrey:
“Waxaan guul u garannayaa sida soo socota:
1. Farxadda qoyska
2. Xiriirka aad la leedahay Allah
3. ku kalsoonaanta nolosha
• Qaamuuska Af-Soomaaliga:
1. Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin;
liibaan.
2. Cid haddadid ama Xoolo aroor oo wabax ah meel ceelka u
dhow habeen u hoyasho.
• Qaamuuska Webster’s:
1. Inaad hesho ama aad gaarto Hoddantinimo, Caannimo. 2.
Inaad saxdo ama aad gaarto iskuday aad jamatay.
• Qaamuuska Oxford
1. Inaad gaarto himilo ama ujeedo.
2. Inaad hesho Caannimo, Hodan tinimo ama aqoonsi bulsho
Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha
Si Kasoo Horjeeda Sida Dad Badani Aaminsanyihiin Ma Jiraan
Dad Aan Guulaysan Amase Guuldaraystaa, Hase Ahaatee Waxa Jira Dad Haysta
Fursadaha Lagu Guulaysto Kuwaasi Yaqaana Sida Looga Faa’idaysto.
Waxa Kaloo Jira Dad Haysta Fursadahaas Balse Aan Garanayn
Sida Looga Faa’iidaysto. Waxa Kaliya Eed Ubaahan tahay Inaad Qabato Si Aad Guul
Ugaadho Waa Inaad Si Sax Ah U Qabato Waxa Dadka Guulaystay Sameeyeen. Markaad
Akhridid Warbixintan Hoose Waxaad Si Buuxda U Heli Doontaa Dhamaan Fikradihii
Ay Xambaarsanaayeen Dadka Guusha Gaadhay Taasi Oo Kaa Caawinaysa Inaad Guul
Gaadho.
Maxaan u guulay-san waayay?
Hadaad dhab u doonayso inaad guulaysto waa inaad si qotodheer
u fahantaa fikradaha guud ee cayimaya fursadahaaga kaana dhigaya qof aan
guulaysan. Dadka guulaystaa waxay ka fogaadaan fikradahaan curyaamiyay dad
badan sidoo kale waa inaad adna ka fogaataa.
• Fikradaha khiyaaliga
ah: Fikradaha
khiyaaliga ahi waa fikradaha aan saxda ahay eed naftaada ama wax ka
aaminsantahay. Fikradaha khiyaaliga ah waxaa ka mida “waligay shaqo ka heli
maayo wadanka” ama Guusha “tan waxba ma dhexyaalaan”.Fikradaha khiyaaliga ahi
waxay si toos ah uxadidaan fursadahaaga dhabta ah iyo guushaadaba.Ka
takhalusida fikradahaas iyo inaad waxbadan ka ogaataa waa hawsha ugu muhiimsan
ee ay tahay inaad qabato haddii aad u jeelantahay guul. Fikradaha khiyaaliga
ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburin karaan
noloshaada.
• Adkaysi la’aan: Kawaran adigoo leh waxbarasho tayo
sare leh iyo xirfado aad u sareeya hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib
markaad guul daraysato hal ama laba jeer? dadka kaliya ee nolosha ku guulaystaa
waa dadka adkaysiga leh kuwa aan ka hadhin haddafkooda iyo hiigsigooda illaa
inta ay ka helayaan waxay doonayaan xataa haday waxkastaa lidi ku noqdaan iyo
xataa haday guul daraystaan waxbadan.
• Isbadal la’aan: Isbadalku waa awooda lagula qabsado
xaaladaha guud. Waa awooda layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu
shaqayn waayo.Isbadalkaaga oo bata waxaa badanaya laqabsashada aad la
qabsanayso xaaladaha kala duwan taasi oo badinaysa fursadahaaga guusha.
• Qorshe la’aan: hadii aanad hadaf iyo qorshe lahayn
ogow inaad noqonayso qayb ka mid ah dadka kale qorshahooda. Hadii aanay kuu
qorshaysnayn inaad noqoto hogaamiyaha tiimka ama kooxda aad wada shaqaysaan qof
kale oo kamida kooxdiina ayaa qorshaysan doona sidoo kale hadii aanay kuu
qorshaysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaharka sare leh ogow in qof
qorshaystay uu kaa buuxin doono.
0 Comments