Latest Article

6/recent/ticker-posts

Wahsigu waa tuugga wakhtiga.

 


Dhiganahan kooban waxaynu ku dul joogsan doonnaa wahsiga iyo caajiska. Aan ku bilawno su'aallo kala duwan oo dadku iswaydiiyaan, balse inta badan jawaabahooda ay isku waddo mariyaan.

1. Waa maxay wahsi?

 2. Waa maxay caajis?

3. Waa maxay farqiga u dhexeeya wahsi iyo caajis?

Haddii aan ku bilowno wahsi wahsigu waa daal maskaxeed ku dhaca dadka, Kaasoo yareeya doonista iyo firfircoonida shaqsiga. Caajisku waa daal jidheed ku dhaca dadka, kaasoo keena wax qabad la'aan qofka oo doonaya in uu wax xaqiijiyo. Caajisku darajo ahaan waa uu ka hooseeyaa wahsiga Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka.

Wahsi iyo caajis waa laba erey oo kala duwan dhawaaq ahaan iyo macna ahaanba, laakiin qoraallo badan aad ku arkayso labadan erey oo isku macno ah, qoraayaduna ay isticmaalaan kolba kii carrabkooda ku soo horreeya.

Ibnu Xajar markuuu kala saarayay laba erey waxa uu ku macneeyay sidan wahsigu waa qofka oo waxba qaban kari waaya isaga oo awooddii iyo xooggii leh, cajisku waa qofka oo doonaya in uu wax qabto haddana aan awoodayn. Sheekh Cayni Eebbe ha u naxariistee waxa uu ku sheegay sharaxa sunanu Abii Daa'uud markii uu sharraxayay xadiiska: "Ilaahow waxaan kaa magan gali caajiska iyo wahsiga"

Waxa uu ku macneeyay "caajisku waa qofka oo awoodi waaya ficilada khayrka, wahsiguna waa nafta oo aan isu dirayn waxa wanaagsan iyo rabitaanka qofKa oo yaraada isagoo wax suurto galin kara.



Sheekh Muxammed Binu Saalix al Cusaymiin Eebbe ha u naxariistee ayaa u kalasaaray labada erey sidan: "wahsi waa qofka oo ka liita dhankaa doonista, caajiskuna waa qofka oo ka liita awoodda jidhka.

Wahsi Haddii aynu soo qaadanno "wahsi" waa mid ka mid ah xanuunnada macnawiga ah ee faraha ba'an ku haya bulsho waynta caalamka, waxaana la sheegaa in dhammaan dadka laga helo dabeecaddan wahsiga, laakiin lagu kala duwan yahay heerka uu gaadhsiisanyahay. Binii-aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala durugsan maah'maah Soomaaliyeed baa odhanaysa: "Dhib dabadii bay dheefi timaaddaa ". Halkaa waxaa innooga cad in dhibka, rafaadka, quus la'aantu ay tahay waddada lagu gaadho guusha, raaxada iyo horumarka. Waddadaas hareeraheeda waxaa daadsan oo buux dhaafiyay wahsi oo doonaya inuu wakhtiga kaa dilo dabadeedna kuu horseedo fashil, guul darro iyo mustaqbal madow. Dadku waxa ay xidhiidh daciif ah, oo raad gadasho ah ka dhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka. Iyaga oo u maraya odhaahyada ay ka mid ka yihiin “things come to those who wait” oo ah



“fursaduhu waxa ay u yimaaddaan kuwa suga”. Xikmaddan waxa ku cudurdaarta dadka jecel in ay ka wahsadaan fursadahooda iyo hawlahooda daruuriga ah. Odhaahduna macno ahaan waa ay ka xeel dheertahay sida loo adeegsaday markan. Waxa ku qarsoon samir, taasi oo macnaheedu yahay qofka dedaala laakiin aan niyad jebin, fursaddana wakhtigeeda ku sima ayaa fursadaha wanaagsani u yimaaddan. Samirka iyo wahsigu waa laba kala fog oo aan la is la xidhiidhin karin. Waana sababta samirku guul ugu hoggaamiyo qofka, wahsiguna dib-u-noqosho u hor seedo. Farqiga intaas le‟eg ma noqon karo mid wax la wadaajiyo oo bar-kulan leh. Caadada wahsigu waa mid cadaadis badan soona noqnoqota. Dhanka kale waxay aqoon yahannada kasmo nafeedda ku talaxtagay tibaaxaan, in dadka wahsadaa (procrastinators) yihiin kuwo aan deganayn, oo warwar iyo walaac u saaxiib ah, neecawda raaxada nafsaaniyadduna ku yartahay.

 

Post a Comment

1 Comments

  1. Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ahi inta badan waa dadkalsooni yar markastana ku fashilma inay wax qabtaan

    ReplyDelete