Latest Article

6/recent/ticker-posts

CAALAMAANIYADAHA IYO DAACUUNKA CASRIGA



                                CAALAMAANIYADAHA  IYO  DAACUUNKA CASRIGA 

Hordhac


Caalamaaniyaddu waxa ay u taagan caqiido baaxad weyn leh oo saameyn kuleh nolosha cusub ee casrigan haday tahay dhan dhaqaale, dhaqan, qaab fikir iyo dhinac siyaasadeedba taas oo keenaysa in dooddeedu noqoto mid marba soo cusboonaata oo aan afka laga dhigin mid u heellan iyo mid kasoo horjeedaba. 

Hadalhaynta badani waxa ay keenaysaa in marba boodhka laga tumo ka hadalka caalamaaniyadda yada oo la daahfurayo ujeedka erayga lana toosinayo eraybixinta kadibna la tilmaamayo waxa ay keeni karto ee ka dhalanaya iyo halka ay ku danbayn karto.

Waxa uu yidhi Shaykh Al Islaam Ibnu Taymiyah Qofka aan garan sababaha keena mabaadi'ida haba ahaadaan qaar khaldan mabaadi'idaasiye uma suuro gal aha in uu daweeyo ama ka warceliyo shubuhaadkooda

(1) manhajkaas ayuu raacayaa Dr Saami Caamiri oo ah aqoon yahan tuunisi ah oo ku takhasusay cilmiga is barbardhiga diimaha marka uu miisaanka saarayo dhiganihiisan

Ee uu soo saaray xarunta Takween sannadii 2017kii oo ka kooban 337 bog. 

Waxa la is weydiin karaa miyaan hore wax looga qorin mawduuca calmaaniyadda maxaa uu buuggani kaga duwan yahay buugaagtii hore mawduucan qaadaa dhigtay? 

Waxa uu buuggan kaga duwan yahay buugaagta kale sida qoraagu uga duwan qorayaasha hore wax uga qoray mawduucan waxana ka mid ah waxyaalaha quruxda usamaynaya buuggan arimahan soo socda:- 

1-  Waxa uu qoraagu aqoon durugsan u leeyahay luuqadaha cusub ee Arabic,

English iyo French ka, waxa sidaas oo kale uu aqoon u leeyahay luqadihii                                                          

qadiimka ahaa sida Hebrew, Syriac, iyo luqadii Greek ga cusub waxa taasi ka muuqataa buugaagta uu u laabtay qoraagu isaga oo 109 buug oo ka mid ah 221 ka buug ee uu ulaabtay, aqoontaas durugsan ee uu u leeyahay luuqaduhu waxa ay ka muuqataa natiijooyinka cilmi baadhistan ka soo baxday waxa aynnu ka xusi karnaa in qoraagu eraygii caanka ahaa ee calmaaniyad ku bedalay erayga “Caalamaaniyad” sida inoo iman doonta. 

2-  Waxa qoraagu uu ku laabtay buugaagtii asalka ahayd arintaas oo uu kaga duwan yahay qorayaasha carbeed ee wax ka qoray mawduucan calmaaniyadda. 

3-  Waxa uu qoraagu si qoto dheer u dulsaaray eray bixinta caalamaaniyada iyo daahfurka ujeedkeeda xukunka sharciga ah isaga oo si faahfaahsan u sharaxaya qaabka ay isaga hor imanayaan labada shahaado ee islaamnimada lagusoo galo iyo ujeedka caalamaqaniyadu.

4-  Waxa qoraagu daraasad dhamaystiran kusamayeeyay saameynta dhaqaale ee caalamaaniyadda dunida carabta iyo caalamkaba waxana qoraaga ka caawisay daraasad in uu kasoo jeedo dalka Tuunis oo kamid ah dalalka dunida carabta ugu horaysay ee ay kusoo duusho caalamaaniyadu saamayn badanna ay ku yeelatay.

6-            Waxa qoraagu uu ka saxaya akhristayaasha buuggiisan eraybixino khaldan oo la xidhiidha mawduuca calmaaniyadda eraybixinadaas oo ka dhashay dacaayadda iyo borobagaandhada tusaale ahaan: in caalamaaniyada lagu eray bixiyo in ay tahay cilmaaniyad oo laga soo dheegtay cilmi ama aqoon, ama in caalamaaniyaddu ku timi natiijo ka dhalatay dagaalkii kiniisadu ku haysay aqoonta maadiga ah sida sayniska (Sceince) iyo dacaayadaha la midka ah.

7-            Waxa qoraagu si qotodheer u faahfaahiyay sababaha keenay fashilka ku yimaad dhaqdhaqaaqa islaamiga ah isaga oo buuggan raaciyey tobanka gef ee ay ku dhaceen dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah wxa ka mid ahaa waxyaalaha uu xusay:- 

       In eray sheega diimeed lagu soo koobo keli ah wacdi ka madhan caqiido.

       In meesha laga saaro qaadashada sunayaasha nolosha oo keli ah lagu koobsado talo saarka Allaah iyo khayr filasho qudha ama in taa liddigeed lagu koobsado sunayaasha dunida yada oo meesha laga saarayo talo saarashadii Allaah. 

       In lagu mashquulo wasaa’il oo la hilmaamo ujeedooyinkii waawetynaa ee camalka islaamiga laga lahaa.

       In lagu mashquulo waxka sheega dhaqdhaqaaqyo kale iyo mashaariic islaaxi ah oo la buunbuuniyo khilaadfka ka dhaxayn kara labo mashruuc iyo ka badan.

       In lagu dhex lumo Musxafka Quraanka iyo jaraa’idka yada oo midkood looga dhigayo kan kale lid. Waxa aad kala dooranaysaa in aad la socoto caalamka iyo wararka siyaasadeed oo aad jaraa’idka si maalinle ah u akhrido iyo in aad isha ka laaabato siyaasadda oo dhan oo ku koobsato keli ah akhriska Quraanka Kariimka halka meesha laga saarayo in qofku cibaadadana ku dedaalo waaqica iyo xaaladda uu ku nool ysahayna la socdo.

Waxa uu qoraagu u soo gudbiyay cidkasta oo ku hawlan wanaajinta camalka islaamiga ah iyo kor u qaadista dacwadda talooyin wax ku ool ah oo haddii sidooda loo shaqo galiyo lagu gaadhayo midho dhal wanaagsan. 

 

 

Post a Comment

0 Comments