Latest Article

6/recent/ticker-posts

QAABKA XULLASHA LAMAANAHA.

 

QAABKA XULLASHA LAMAANAHA

Waxaan jecleestay in aad uga hadlo qadobo kooban oo
kadhexeeya raga iyo dumarka qodobka koowaaad...
Ereyga Guur luqad ahaan waxa loola jeedaa shay inta meel laga raro
meel kale loo raro. Waa ta ay reerku guuraan, waana ta kolka jarta
ama godagodowga, iwm, la ciyaarayo, dhagaxana meel laga rarayo
oo meel kale loo rarayo la yiraahdo waa la guurayaa. Sidaas darteed,
gabadha waxa laga guuriyaa guriga waalidkeed, waxana loo guuriyaa
ama loo gelbiyaa guriga ninkii xirtay ama xalaalaystay. Shareecada
Islaamka kolka laga eego, guurku waxa uu ka kooban yahay laba
qaybood oo isku lifaaqan. Qaybta hore oo ah
meherka waxa weeye in gabadha lagu nikaaxo ama lagu xiro loona
xalaaleeyo nin geeya oo guur u qabto, sharci nikaaxeeda ka
reebayaana aanu jirin. Qaybta labaad ee guurku waxa weeye in
gabadhii la nikaaxay ninkii lagu nikaaxay loo guri geeyo ama loo
aqalgeliyo ama loo gelbiyo amaba loo dhiso, hadba siday qolo waliba
u taqaan. Haddaba guurku shareeco ahaan waxa weeye xalaalayn iyo
guri geyn. Guurku waxa weeye heshiis Aadane dhex mara kan ugu
qiimi badan, sababtoo ah waxa uu khuseeyaa qofka laftiisa. Heshiiska
labada qof ku dhex mara guurku kuma saabsana xoolo iyo umuuro
adduunyo oo lagu heshiinayo, balse waxa uu labada ruux iskula
xirayaa xarig kalgacayl iyo naxariis. Waxa uu sababaa ubad dhasha,
wuxuuna xubnaha taranka ka ilaaliyaa galmada xaaraanta ah.
Guurku waa suno waana sheymuhiim uah dhaqanka uguhaboon ee
nolasha aadamiga lagudhameestiro



Faa”idooyinka guurka?

1: Faaidooyinka guurka ayaa ah kuwa aan lasoo koobi Karin laakiin
waxaa aan go’aansaday in aan qoro qeyba kamid
Guurku waa arin muhiim ah oo aan lagamaarmin marnaba
Faaiidada koowaaad ayaa ah: guurku waa sunadii anbiyada oo dhan.
Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay: "Koox saddex nin ka
kooban baa tagtay Aqalladii Xaasaska Nabiga (Sallal- Laahu calayhi
wa-Sallam) iyagoo sida uu Alle u caabbudo ka waraysanaya. Kolkay
uga sheekeeyeen bay "cibaadadiisa" yaraysteen. Markaas bay
dheheen: (Annaga iyo isaga "Nabiga" maxaa isaga kaaya dan ah Alle
ayaaba dembigiisa mid hore iyo mid dambe intaba u dhaafay eh).
Mid baa markaas yiri: (Anigu habeenkii oo dhan baan tukanayaa).
Mid kale wuxu yiri: (Anigu weligayba waan soomanaanayaa mana
afurayo). Kii kale baa isna yiri: (Anigu dumar waan ka caagayaa oo
weligay guursan maayo). Suubbanaha (Sallal- Laahu calayhi wa-
Sallam) ayaa markaas intuu "nimankii" u yimid, ku yiri: (Ma adinkaa
sidaas iyo sidaas yiri?. Ilaah baan ku dhaartaye anigaa idiinku Alle-ka-
cabsi badan, idiinkuna dhowrsanaan badan, ha yeeshee waan
soomaa waanan afuraa, waan tukadaa waanan seexdaa, dumarkana
waan guursadaa, ee qofkii sunnadayda ka leexdaa igamid ma aha)


2: guurku waxaa loogu badbaadaa sinada iyo xumaanta sidaa
darteed Ibnu-Mascuud (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka weriyey inu yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodi
karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana
waa u dhufays, kaan awoodina ha soomo, soonkaa shahwada ka
jebinayee). Guurku waxa uu kaa oodaa meelihii uu Shaydaanku
kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa iyagoo
xalaal ah rugtaada kuu yaallaan. Qofku haddaanu Alle-ka-cabsi iyo
Faaidooyinka guurka. iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa ayaa hor kaca, haddii markaas aanu guur xalaal ah helin, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.


3:nolol wadaag: qufka kaligiis in uuahaado maahan nolal uqalanta oo
qurxoon mana ahan nolol-dhameestiran


4:sharaf iyo sumcad qufku marka uu guursado waxa uu daremaa
waxyaabo badan waxa uuna fahmaa waxyaabo badan waxa uuna
yeeshaa sharaf iyo sumcad ...
Sidaas darteed waxaa dhalanyarta ku guubaaniyaa in ay ujeestaan
guurka ay katagaan ciyaarta waqti lumiska ah gabdhuhu waxaan
kacodsanayaa in ay cadaadis ragu kusaraan guurka oo ay soo
dhabeyaan, guurdoonka guurku maahan wax xun midakale aysan
kuxijeyn hanti farabadan ay kuxijeeyaan diin iyo dabeecad
wanaagsan oo kaliya waalinta dhaleen gabdhaha waxaan
kacodsanayaa in ay gabdhahooda uguuriyaan quf leh diin, diinteenna
Islaamku waxa ay goysay laba qodob oo haddii ninka laga helo ay
tahay in markaas inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaas qodob
oo kala ah; Diin iyo dabeecad. Abuu-Hurayra (RC) wuxu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Hadduu nin aad diintiisa
iyo dabeecaddiisa u bogtaan idinka soo doonto "gabar", u guuriya,
haddaydaan yeelinna xumaan iyo fasahaad weyn baa dhulka ka
dhacaya). Mida kale waalidow kahortag xumada,macsida iyo fisqiga
laga dhaxlo jaceelka guurka kahor ,hadii aad kahortagin waxaad yeelaneysaa sharaf xumo oo aadam noqoneyn mid masuulah.
-----------------------
1: (Bukhaari (5063), Muslim (1401/5). Ereyadii Bukhaari)
2: (Bukhaari (1905, 5065, 5066), Muslim (1400/1)
3: (Tirmidi (1084), Ibnu-Maaja (1967)



 

Post a Comment

0 Comments